Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedXaaladda Magaalada Garbahaarey oo Saakay dagan

Xaaladda Magaalada Garbahaarey oo Saakay dagan

Dibad baxyo Rabshada wata oo lagaga soo horjeedo Maamulka Axmad madoobe ayaa shalay waxa ay ruxeen Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Dibad baxyada oo ay dhigayeen bulshada ku nool deegaanka ayaa waxa uu ahaa mid cabasho ah kaasi oo ay ku diidayan in madoobe uu jubbaland sii joogo.

Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga Jubbaland, Aadan Ibraahim Aw Xirsi oo Garbahaarey shalay gaaray ayaa waxaa dhagxaan la dhacay shacab careysan waxaana uu dhaawac ka soo gaaray weerarkii lagu qaaday .

Wasiirka wuxuu sheegay in caruur dhagxan wata ay isaga tuuryeeyeen sidaasna uu dhaawac ku soo gaaray.

Aw Xirsi ayaa ku tilmaamay kacdoonka Garbahaarey ee looga soo jorjeeda Jubbaland uu yahay mid lasoo abaabulay, isagoo ka gaabsaday inuu carabka ku dhuftay cidda gadaal ka riixaysa dibaxbaxyada.

Jubbaland ayaa dhawaan kasoo celisay Garoonka Kismaayo diyaarad siday Taliye-yaal ciidan, oo uu ku jiro Taliyaha cusub ee dhawaan dowladda Federaalka u magacawday qeybta 43aad ee ciidanka xoogga.

Axmad madoobe oo u muuqda mid gabalkiisa uu sii dhacaayo ayaa waxaa hadda heysata laba darran mid dooro waa in uu kursuga baneeyaa ama in uu la kulmaa mucaaradad xooggan oo shacab iyo siyaasiyiinba ay qeyb ka yihiin.

Dadka falanqeeya siyaasaddda Jubbaland ayaa waxa ay sheegayan in haddii ay sidaan wax ku sii socdaan ay soo dadajin doonto in axmad madoobe uu si sharuud la’aan ah kursiga ku baneeyo jubbaland ay ka tashato aayaheeda iyo horumarkeeda .

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments