Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedMadaxweynaha Cusub ee Ismaamulka Soomalida oo lagu soo dhaweeyay Jig Jiga

Madaxweynaha Cusub ee Ismaamulka Soomalida oo lagu soo dhaweeyay Jig Jiga

Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustaf Muxumed Cumar ayaa galabta gaaray Magaalada Jig jiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka.

Boqolaal ka mid ah Shacabka Magalada Jigjiga iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad deegaanka Soomaalida iyo qeybaha kale ee Bulshada ayaa soo dhaweeyey Wafdiga Madaxweynaha.

Madaxweynaha DDSI Mustaf Muxumad ayaa ku sugnaa magaalada Addis Ababa tan iyo markii la magacaabay waxaana la dejiyay Madaxtooyada Jigjiga oo ay dhowaan ammaankeeda la wareegeen ciidamo Milatari ah.

Madaxweynaha waxaa la filaya in Maalinta berito ah uu ka qeyb galo kulan ay yeelan doonaan Xildhibaanada Shacabka Dimuqraadiga ee Dowlad deegaanka Soomaalida ,iyaga oo la filayo inay ka hadlaan bedelida Calanka iyo Magaca Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments