Saturday, June 10, 2023
HomeUncategorisedMadaxweynaha Soomalia oo booqasho ku tagi doona Wadanka Shiinaha

Madaxweynaha Soomalia oo booqasho ku tagi doona Wadanka Shiinaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomalia Mudane Maxamad C/llahi Farmaajo ayaa booqasho Rasmi ah ku tagi doona Wadanka Shiinaha.

Madaxweynaha oo Casuumaad ka helay dhiggiisa dalka shiinaha ayaa la filaya in horaanta bisha september uu booqashadiisa rasmiga ah ku tago shiinaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dalkaasi uga qeyb gali doona Shirka Iskaashiga ee Shiinaha iyo Afrika oo 3-da bisha September ka furmaya magaalada Beijing, kaasoo uu shir guddoominayo Madaxweynaha Shiinaha Ji Jinping.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee dalka shiinaha ayaa noqon doona safarkiisa ugu dheeraa ee uu galo tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments