Saturday, March 25, 2023
HomeUncategorisedAgaasimaha Sirdoonka Qaranka Dalka Suudan oo Booqasho ku yimid Muqdisho

Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Dalka Suudan oo Booqasho ku yimid Muqdisho

Waddooyinka Muqdisho sababta Saakay loo xiray waxa ay aheyd iyadoo Magaalada Muqdisho ay Imaanayeen Wafdi Sirdoon ah oo ka socda Dalalka Suudaan iyo Qadar.

Wafdiga oo socdaalkooda aan horay loosii shaacin ayaa waxaa hoggaaminaayay agaasimaha guud ee sirdoonka iyo nabadsugida Sudan (NISS) Gen. Salah Abdalla Mohamed Saleh Gosh waxaana Muqdishi ku soo dhaweeyay Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen.

Bogga Rasmiga ee Twiterka hey’adda NISA ayaa lagu shaaciyay booqashada Agaasimaha Sirdoonka Suudaan uu muqdisho ku yimid.

Wafdiga ayaa la geeyay Xarunta Taliska Nabadsugida ee loo yaqaano (Habar Khadiijo), halkaasoo wada hadalo kula leeyihiin Hoggaanka Hey’adda Nabadsugida Soomaaliya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments