Wararka aynu ka heleyno Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayan in dagaal culus uu ka socdo deegaanno hoostaga dagmada dhuusamareeb ee gobolka mudug.
Dagaalka ayaa waxa uu u dhaxeeya Laba Maleeshiyo Beeleed waxaana uu ka socdaa deegaanka Qalaan-qalle ee duleedka Dhuusamareeb.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in dagaalkaas uu sababay oo labada dhinac kala gaaray.
Shacabka ayaa bilaabay in ay guryahooda ka barakacaan waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka uu ku sii fido deegaanno horleh oo hadda nabdoon.