Dowladda Mareykanka ayaa Tababar usoo xirtay Guuto kamid ah Ciidamada Danab ee sida gaarka ah u tababaran.
31 Askari ayaa tababarkaan Gaarka ah la siiyay waxaana mareykanka uu sidoo kale ciidamadaan ku wareejiyay Qalab Milatari iyo Gaadiid Dagaal oo ay ku howlgalaan.
Saldhiga ugu wayn ee Ciidamada Danab lagu tababaro, ayaa wuxuu ku yaalla Garoonka Diyaaradaha Ballidoogle ee Gobolka Shabellaha hoose, hayeeshe ciidankaan ayaa intii uu tababarka u socday, waxa ay ku qaadanayeen Xerada Xalane oo Saraakiisha Mareykanka ay joogaan.