Sunday, March 26, 2023
HomeUncategorisedDAAWO: Xubin aan horay loo arag oo Laga helay Jirka Beni'aadamka

DAAWO: Xubin aan horay loo arag oo Laga helay Jirka Beni’aadamka

Saynisyahanno ka tirsan Machadkadka Garvan ee cilmi-baarista caafimaadka ee dalka Australia ayaa helay “xubin yar” oo ka tirsan jirka aadanaha oo aan horey loo aqoon, xubintani waxey mas’uul ka tahay la falgalka nidaamka difaaca jirka marka uu cudur ku soo laalaabto jirka.

Website-ka Science Alert ayaa sheegay in saynisyahannada xubintan cusub daahrogay ay ka heleen dusha sare ee Iymph nodes ee jiirka macmalka laga baaray. iyagoo isticmaalaya microscope laser ah, kaas oo suuraggal ay tahay in lagu qaado sawirro heer sare ah oo 3D. markii ay baaritaan ku sii sameeyeen xubintan jirka aadanahana wey ka heleen.

Xubintan cusub ayay u bixiyeen “subscapular proliferative foci” oo marka la soo gaabiyo noqoneysa (SPFs), taas oo habdhiska difaaca ku taageeraysa inuu xasuusto cudurkii horey u soomaray, saynisyahannadu waxey horey u ogaayeen in ay jiraan unugyo noocaas oo kale ah jirka aadanaha, laakiin halka uu ku yaallo ma aaney garaneyn, haddase arrintaasi wey u suuraggashay.

Mid ka mid ah cilmi-baarayaasha ayaa tilmaamaya, “Marka uu jirku bakteeriyo dilaa ah la dagaallamo muddo 20-30 daqiiqo, ilbiriqsi kastaa muhiimadeeda ayay leedahay. haddii aan si kale u dhigno, falcelinta habdhiska difaaca jirka haddii uu gaabis noqoto qofku wuu dhimanayaan, sidaa dartaad; qofku inuu tallaal helo waa muhiim si uu jirku ula sii qabsado oo uu u diyaar sanaado si marka uu mar labaad arko cudurkii uu uga hortago si dhakhsiyo badan.”

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaal aad ku baran doonto Xubinta Cusub ee jirkaaga laga helay

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments