Wararka ka imaanaya Magalada Xeebta ah ee Lamu ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Kenya Maanta qarax lala eegtay,isla markaana uu ka soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac
Ciidamadan ayaa waxaa ay ka mid ahaayeen kuwo ka qeybgalayay howlgalo ka socda Linda Boni oo ururka Alshabaab loogaga hortagayo iyagoo laga b aadi goobayo keymaha ku yaal deegaankaas.
Afhayeen u hadlay Ciidamada Kenya oo lagu Magacaabo Colonel Paul Njuguna ayaa waxa uu sheegay in qaraxaas oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah ay ku geeriyoodeen 5 ka mid ah Ciidamada Booliska Kenya halka 10 kale ay ku dhaawacmeen kuwaas oo loo qaaday Isbitaalka Magalada Lamu.
Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkaan qaraxa ah waxaana ay sheegen in ay ku dileen ku dhawaad 20 askari oo keenyaan ah.