Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay ku booqday Hooygiisa Madaxweynihii hore ee soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay dalka dib ugu soo laabtay.
Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uga warbixiyay Xaaladda guud ee Dalka iyo guulaha lagu talaabsaday.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadka sida aadka ah ugu dhowaa Madaxweyne Xasan Sheekh intii uu talada dalka hayay, waxaa uu ahaa Madaxii Maaliyadda ee Ololihii doorashada Xasan Sheekh.
Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Xasan shiikh oo Muqdisho dib ugu soo laabtay Dhor bilood kadib ayaa sheegay in uu booqan doono gobollada dalka si uu usoo indho indheeyo xaaladda dalka uu maraayo iyo qiimeyn uu ku sameyn doono dhaq dhaqaaqyada siyaasaddeed ee dalka ka jirta.
Xasan shiikh wuxuu sido kale u yimid muqdisho xisbi siyaasaddeed uu isaga guddoomiye ka yahay oo lagu dhawaaqi doono dhawaan maadama doorashada ay soo dhawdahay waxaana uu xasan shiikh doonaya in markale uu noqdo madaxweynaha dalka.
Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka