Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helaya qarax gaari oo galabta ka dhacay dagmada dharkeenley ee gobolka banaadir.
Qaraxa ayaa waxaa lagu xiray gaari uu leeyahay guddoomiye ku xigeenka gobolka shabeellada hoose C/fitax Xaaji Cabdulle kaasi oo ku xareysnaay guri ku yaala xaafadda dabakaayo madoow ee dagmada dharkeenley.
Majirto wax qasaaro ah oo ka dhashay qaraxa waxaana uu gaarigu qarxay xili uu ka maqnaay guddoomiye ku xigeenka gobolka shabeellada hoose.
Dhinaca kale bambo gacmeed ayaa caawa fiidkii lagu weeraray xarunta dagmada waabari ee gobolka Banaadir.