Sunday, March 26, 2023
HomeUncategorisedMadaxda maamul goboleedyada oo shir xasaasi ah ku yeelanaya Kismaayo

Madaxda maamul goboleedyada oo shir xasaasi ah ku yeelanaya Kismaayo

Madaxda maamul goboleedyada ayaa la filaya in ay isugu tagaan magaalada kismaayo kadib baaq uga yimid hoggaamiyaha uu gabalkiisa sii dhacaayo ee axmad madoobe.

Axmad madoobe ayaa madaxda ka dalbaday in kulan deg deg ah ay kismaayo ku yeeshaan kaasi oo uu ka danleeyahay in uu madaxda uga dalbado in lagu garabsiiyo khilaafka kala dhaxeeya dowladda dhexe ee federaalka.

Ammaanka kismaayo ayaa aad loo adkeeyay waxaana la arkaya ciidamo badan oo magaalada dhex socda.

Kulanka kismaayo ka dhacaya ayaa waxa shaki la galinaya in ay ka qeyb galaan madaxweynayaasha maamullada galmudug iyo hirshabeelle kuwaasi oo aan la ogeyn in ay kismaayo tagi doonaan balse madaxda Puntland iyo koonfur galbeed kismaayo ayey tagi doonaan.

Axmad madoobe oo culeys xooggan uu ka heysto deegaannada uu maamulo shacabka ku nool ayaa doonaya in madaxda maamullada ay isaga la saftaan si uu danahiisa ugu gaaro balse shacabka jubbaland ayaa markaan ay ka go’antahay in ay is dhaafiyaan horjoogaha ku caan baxay xasuuqa shacabka iyo cadaalad darrada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments