Saturday, June 10, 2023
HomeUncategorisedRa'isul wasaare kheyre oo La-Taliye Sare u magacaabay Dr C/Raxmaan Baadiyoow

Ra’isul wasaare kheyre oo La-Taliye Sare u magacaabay Dr C/Raxmaan Baadiyoow

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa DR Cabduraxmaan Cabdulaahi Macalin Baadiyow loogu Magacaabay La-Taliyaha sare R/wasaaraha ee Arrimaha Nabadeynta iyo Dib u heshiisiinta.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre markuu tixgaliyay Baahida loo qabo in la magacaabo La-taliye sare oo Khibrad u leh Arrimaha Nabadeynta iyo Dib u heshiisiinta, markuu arkay Qodobada Dastuurka ee kala ah Qodobka 99-aad (A) (D) iyo Qodobka 100-aad (A) (D) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Marku arkay Taariikh Nololeedka (CV), Kartida, Aqoonta iyo Waaya arragnimada Mudane DR Cabduraxmaan Cabdulaahi Macalin Baadiyow wuxuu u magacaabay Magacaabay La-Taliyaha sare R/wasaaraha ee Arrimaha Nabadeynta iyo Dib u heshiisiinta.

Mudane DR Cabduraxmaan Cabdulaahi Macalin Baadiyow ayaa ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee doorka weyn kasoo qaatay Dib u heshiisiinta, Horumarinta Waxbarashada iyo Bulshada intii dalka uu ku jiray Burburka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments