Connect with us

Warar

Daawo: Qarax loo adeegsaday Gaari Gacan oo Muqdisho ka dhacay

Published

on

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan Qarax qasaaro geestay oo barqanimadii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxa uu ka dhacay Gudaha Suuqa siinaay ee Dagmada Warta nabadda waxaana qaraxa loo adeegsaday Gaari Gacan.

Gaariga gacanka ayaa lagu hoos qariyay Miinada kadibna waxaa la dhigay suuqa siinaay gaar ahaan qeybta qudaarta oo mashquul badan uu ka jiro.

Xiliga qaraxa uu dhacaayay waxaa suuqa ku jiray ciidamada qaada Canshuurta waxaana la sheegay in qaraxa iyaga loola danlahaay.

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka

Warar

Prof Yahye Shiikh Caamir Wiil la dhashay oo ku dhintay Qaraxyadii Muqdisho ka dhacay

Published

on

Labada gaari ee Qarxday Mid kamid ah waxaa lahaa Prof Yaxye Sheekh Caamir oo ka mid ah Macalimiinta Jaamacadda Somalia ahna falanqeeye

Qaraxa waxaa ku dhintay Wiil la dhashay Profasoorka Iyadoo wararku sheegayan in Prof yahye uusan gaariga la socon Xiliga Qaraxa uu dhacaayay balse Walaalkiis uu watay gaariga uuna ku geeriyooday

Continue Reading

Warar

DEG DEG: Laba Qarax oo Goordhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho

Published

on

Jugta laba Qarax oo Xooggan ayaa laga Maqlay Nawaaxiga Dabka ee Wadaa Makka Al-mukarrama Magaalada Muqdisho.

Labada Qarax oo Jugtooda laga maqlay Xaafaddaha Muqdisho ayaa waxaa u dhaxeysay Daqiiqado kooban.

Rasaas ayaa la maqlaya waxaana ay u muuqata in Qaraxyada ay ahaayeen Bartilmaameed.

Faah Faahinta warka La soco Daqiiqado Kadib Inshaa’allaah

Continue Reading

Warar

Madaxweyne Farmaajo oo Shirka QM Markii Labaad uga Baaqday Sababo la xiriira Pasaborka Mareykanka ee uu Heysto

Published

on

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sanadkii 2aad ka baaqday shirka Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa sababo la xiriira dhalashadiisa Mareykanka ah.

Ka Baaqashada Madaxweynaha ee Shirka QM ayaa la sheegay inay la xiriirto baasaboorka Mareykanka ee uu heysto, taasoo la sheegayo marka uu ku safro oo uu Mareykanka ku tago aanu heli doonin xasaanad, isla markaana uu noqonaayo sidii muwaadin dalkiisa ku laabtay oo kale.

Wasiir arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa u kicitimay NewYork, isaga oo hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya ee ka qeybgalaya Fadhiga guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa.

Mudane Cawad waxa uu ka jeedin doonaa shirweynahaasi khudbadda Madaxweynaha isaga oo ka wakiil ah Madaxweyne Maxamed Cabduulahi Farmaajo.

Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa waxaa ay ka mid tahay lixda hay’adood ee ka koobad tahay Qaramada Midoobey, waxaa ay mas’uul ka tahay dajinta Siyaasadaha guud ee Caalamka, waa meesha looga codeeyo arimaha muhiimka sida Codeynta arimaha Amaanka, Nabadda,

Continue Reading

Wararkii ugu dambeeyay

%d bloggers like this: