Saturday, June 10, 2023
HomeUncategorisedMaamulka Gobolka Banaadir oo dib-u-dhisaya Masjidkii iyo Dugsi Quraankii ku Burburiyay Qaraxii...

Maamulka Gobolka Banaadir oo dib-u-dhisaya Masjidkii iyo Dugsi Quraankii ku Burburiyay Qaraxii Howlwadaag

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta dhagax-dhigay Masaajidkii iyo Dugsi Quraanka Degmada Hawlwadaag ee dhowaan ay qarxiyeen dhagar qabayaasha argagaxisada Alshabaab.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in goobahan cibaadada ee ay beegsadeen argagixisadu lagu dhisayo barnaamijka Isxilqaan ee uu dhaqan geliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo).

Mudane Yarisow ayaa tilmaamay in nabad-diidku ay isku dayayaan inay dib-u-celiyaan Caasimadda, balse aanay taasi marnaba dhici doonin, maadaama shacabka Soomaaliyeed u taagan yahay horumarka iyo difaaca dalkooda.

“Carruurtii dhiganaysay dugsi Quraankan oo qaar ka mid asxaabtoodu ay ku naf-waayeen weerarkan bahalnimada ah, waxa ay isla maalintii xigtay qaraxa, dhexda u xirteen in ay dib u hagaajiyeen dugsigooda, waana farriin muujinaysay in aan argagixisadu is-hor-istaagi karin hiigsiga iyo himilada shacabka Soomaaliyeed, carruur iyo cirroolaba. Waxaan tusaynaa in innagoo wada jir ah aan dib u dhisno Masjidkii, dugsi Quraankii iyo Xarunta Degmada.”

Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa tacsi u diray dhammaan qoysaska iyo ehelada dadkii ku dhintey weerarkan.Isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in meel looga soo wada jeesto argagixisada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments