Connect with us

Warar

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku toogtay Sargaal Alshabaab ka tirsan

Published

on

Ciidammada Booliska Soomaaliyeed ayaa Howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen Degmada Heliwaa ee Gobalka Banaadir waxay ku dileen Horjooge Sayid Abuukareey oo ka tirsanaa Argagaxisada Alshabaab, iyagoo sidoo kale dhaawacay sedex ka mid ah Maleeshiyadii la socotay oo gacanta lagu dhigay.

Abuuker Xasan Caddde oo magaca Maleeshiyada Al shabaab u yaqaaneen uu ahaa Sayid Abuukareey ayaa Argagaxisada u qaabilsanaa amniyaadka qeybta bari ee gobalka Banaadir, wuxuuna si gaara uga howlgali jiray Degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa, iyadoo tan iyo sanadkii 2015 uu sedex jeer ka baxsaday Ciidammada Amniga oo baadi goobayay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble oo Warbaahinta u sharaxay sida uu u dhacay Howlgalka ay fuliyeen Ciidanka Booliska gaar ahaan Qeybta Guud ee Gobalka Banaadir ayaa yiri:-

“Ciidanka Booliska waxay maanta ku guuleysteen inay qaadaan Howlgal ay ku dileen Amiir Al shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka Qeybta Bari ee Gobalka Banaadir, waxaa sidoo kale gacanta lagu dhigay iyagoo dhaawacyo ah sedex ka mid ah Maleeshiyo la socotay, Ciidanka Booliska waxay doonayeen inay soo qabtaan isagoo bad qaba si Sharciga loo horkeeno laakiin weerar ayuu qaaday wuxuu ka dilay Ciidanka Hal Askari, midna wuu ka dhaawacay, ka dib danta waxay ku qasabtay Ciidanka Booliska inay talaabo ka qaadaan wayna dileen”.ayuu yiri Afhayeenka Gobalka Banaadir

Horjooge Sayid Abuukareey ayaa ka dambeeyay Dilalka 3-Masuul, 5-Askari, 23-ruux oo Shacab ahaa iyo kuwa kale sida Afhayeenka Booliska uu sheegay.

Horjoogaha la dilay oo muddo ay xogtiisa hayeen Ciidammada Amniga ayaa waxaa la shaqeyn jiray oo iyagana Horjoogayaal ahaa Ciidanka Booliskana ay hore ugu guuleysteen inay dilaan Jacfar kuukaay, Liibaan Jaraaye iyo Ciisa Tarabuun oo ahaa Horjoogihii Amniyaadka Argagaxisada ee qeybta Waliyow Cadde, iyadoo kuwa kale oo la shaqeynayay ay ku jiraan Gacanta Dowlada sida uu sheegay Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble.

Sedexda Maleeshiyo ee la socotay Horjooge Sayid Abuukareey ee iyagoo dhaawacyo la qabtay ayaa la dabiibayaa Xaaladooda caafimaad, iyagoo markii ay bogsadaan Sharciga la horgeyn doono.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku daba jira Horjoogayaal kale oo ka tirsan Nabad diidka Al shabaab oo ku dhuumaaleysanaya Gobalka Banaadir sida uu sheegay Afhayeenka Booliska, isagoo kaga mahad celiyay guud ahaan Ciidammada Amniga sida wada shaqeyn buuxda ay u leeyihiin.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa taageero buuxda la garab istaagay Ciidammada Amniga, iyagoo ka carooday Weerarada gumaadka ah ee Argagaxisada Al shabaab ku qaadayeen maalmihii ugu dambeeyay goobaha lagu cibaadeysto ee Masaajida.

Warar

Prof Yahye Shiikh Caamir Wiil la dhashay oo ku dhintay Qaraxyadii Muqdisho ka dhacay

Published

on

Labada gaari ee Qarxday Mid kamid ah waxaa lahaa Prof Yaxye Sheekh Caamir oo ka mid ah Macalimiinta Jaamacadda Somalia ahna falanqeeye

Qaraxa waxaa ku dhintay Wiil la dhashay Profasoorka Iyadoo wararku sheegayan in Prof yahye uusan gaariga la socon Xiliga Qaraxa uu dhacaayay balse Walaalkiis uu watay gaariga uuna ku geeriyooday

Continue Reading

Warar

DEG DEG: Laba Qarax oo Goordhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho

Published

on

Jugta laba Qarax oo Xooggan ayaa laga Maqlay Nawaaxiga Dabka ee Wadaa Makka Al-mukarrama Magaalada Muqdisho.

Labada Qarax oo Jugtooda laga maqlay Xaafaddaha Muqdisho ayaa waxaa u dhaxeysay Daqiiqado kooban.

Rasaas ayaa la maqlaya waxaana ay u muuqata in Qaraxyada ay ahaayeen Bartilmaameed.

Faah Faahinta warka La soco Daqiiqado Kadib Inshaa’allaah

Continue Reading

Warar

Madaxweyne Farmaajo oo Shirka QM Markii Labaad uga Baaqday Sababo la xiriira Pasaborka Mareykanka ee uu Heysto

Published

on

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sanadkii 2aad ka baaqday shirka Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa sababo la xiriira dhalashadiisa Mareykanka ah.

Ka Baaqashada Madaxweynaha ee Shirka QM ayaa la sheegay inay la xiriirto baasaboorka Mareykanka ee uu heysto, taasoo la sheegayo marka uu ku safro oo uu Mareykanka ku tago aanu heli doonin xasaanad, isla markaana uu noqonaayo sidii muwaadin dalkiisa ku laabtay oo kale.

Wasiir arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa u kicitimay NewYork, isaga oo hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya ee ka qeybgalaya Fadhiga guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa.

Mudane Cawad waxa uu ka jeedin doonaa shirweynahaasi khudbadda Madaxweynaha isaga oo ka wakiil ah Madaxweyne Maxamed Cabduulahi Farmaajo.

Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa waxaa ay ka mid tahay lixda hay’adood ee ka koobad tahay Qaramada Midoobey, waxaa ay mas’uul ka tahay dajinta Siyaasadaha guud ee Caalamka, waa meesha looga codeeyo arimaha muhiimka sida Codeynta arimaha Amaanka, Nabadda,

Continue Reading

Wararkii ugu dambeeyay

%d bloggers like this: