Connect with us

Warar

Golaha Wasiirrada Oo Ka Dooday Siyaasadda Dawladda Ee Hantida Qaranka Iyo Saxiixyada Heshiisyada Caalamiga Ah

Published

on

Golaha wasiirrada xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay uga hadleen siyaasadda dawladda ee hantida qaranka iyo hannaanka saxiixyada heshiisyada caalamiga ah.

Shirka golaha wasiirrada ayaa ugu horayn looga dooday siyaasadda hantida qaranka, waxaana falanqayn dheer kadib la isku raacay in guddi qaran oo heer wasiirro ah loo saaro tirakoobka iyo diiwan gelinta hantida qaranka si ay warbixin dhamaytiran uga keenaan hantida ay dawladdu leedahay.

Golaha ayaa magacaabay guddi ay hoggaaminayaan garyaqaanka guud iyo wasiirka hawlaha guud, dib u dhiska iyo guryaynta si ay baaritaan ugu sameeyaan shuruucda dalku lahaa ee lagu maamulo hantida qaranka, kadibna ay golaha ugu soo gudbiyaan kulanka xiga, si xukuummaddu ay ugu salayso siyaasadeeda ku aaddan ilaalinta hanitada qaranka.

Kulanka golaha oo uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xassan Cali khayre ayaa lagu soo bandhigay dhibaatooyin dhaqaale oo ka dhashay heshiisyo ay galeen dawladihii hore, waxaana dood dheer kadib golohu isku raacay in qorshaha lagu saxiixayo heshiisyada caalamiga ah ogaysiiyo garyaqaanka guud iyo ra’iisul wasaaraha si looga fogaado dhibaatooyin kale oo laga dhaxlo heshiisyo dawladdu gasho

Warar

Prof Yahye Shiikh Caamir Wiil la dhashay oo ku dhintay Qaraxyadii Muqdisho ka dhacay

Published

on

Labada gaari ee Qarxday Mid kamid ah waxaa lahaa Prof Yaxye Sheekh Caamir oo ka mid ah Macalimiinta Jaamacadda Somalia ahna falanqeeye

Qaraxa waxaa ku dhintay Wiil la dhashay Profasoorka Iyadoo wararku sheegayan in Prof yahye uusan gaariga la socon Xiliga Qaraxa uu dhacaayay balse Walaalkiis uu watay gaariga uuna ku geeriyooday

Continue Reading

Warar

DEG DEG: Laba Qarax oo Goordhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho

Published

on

Jugta laba Qarax oo Xooggan ayaa laga Maqlay Nawaaxiga Dabka ee Wadaa Makka Al-mukarrama Magaalada Muqdisho.

Labada Qarax oo Jugtooda laga maqlay Xaafaddaha Muqdisho ayaa waxaa u dhaxeysay Daqiiqado kooban.

Rasaas ayaa la maqlaya waxaana ay u muuqata in Qaraxyada ay ahaayeen Bartilmaameed.

Faah Faahinta warka La soco Daqiiqado Kadib Inshaa’allaah

Continue Reading

Warar

Madaxweyne Farmaajo oo Shirka QM Markii Labaad uga Baaqday Sababo la xiriira Pasaborka Mareykanka ee uu Heysto

Published

on

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sanadkii 2aad ka baaqday shirka Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa sababo la xiriira dhalashadiisa Mareykanka ah.

Ka Baaqashada Madaxweynaha ee Shirka QM ayaa la sheegay inay la xiriirto baasaboorka Mareykanka ee uu heysto, taasoo la sheegayo marka uu ku safro oo uu Mareykanka ku tago aanu heli doonin xasaanad, isla markaana uu noqonaayo sidii muwaadin dalkiisa ku laabtay oo kale.

Wasiir arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa u kicitimay NewYork, isaga oo hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya ee ka qeybgalaya Fadhiga guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa.

Mudane Cawad waxa uu ka jeedin doonaa shirweynahaasi khudbadda Madaxweynaha isaga oo ka wakiil ah Madaxweyne Maxamed Cabduulahi Farmaajo.

Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa waxaa ay ka mid tahay lixda hay’adood ee ka koobad tahay Qaramada Midoobey, waxaa ay mas’uul ka tahay dajinta Siyaasadaha guud ee Caalamka, waa meesha looga codeeyo arimaha muhiimka sida Codeynta arimaha Amaanka, Nabadda,

Continue Reading

Wararkii ugu dambeeyay

%d bloggers like this: