Saturday, June 10, 2023
HomeUncategorisedXildhibaanada Hirshabeelle oo u yeeray Madaxweynaha Maamulkaasi

Xildhibaanada Hirshabeelle oo u yeeray Madaxweynaha Maamulkaasi

Xildhibaanada Baarlaaanka maamulak hirshabeelle ayaa u yeeray madaxweynaha maamulkaasi maxamad cabdi waare oo kamid ahaa madaxdii maamul goboleedyada ee shirkooda kismaayo uu fashil ku soo dhamaaday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in mooshin sii xoogeysanaya laga diyaarinaayo madaxweyne waare iyadoo xldhibaanada baarlamaanka hirshabeelle ay jowhar ku leeyihiin kulamo aan kala joogsi laheyn.

Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in waare lala xisaabtami doono ayna tahay qasab in uu horyimaado xildhibaanada baarlamaanka.

Xildhibaanada waxa ay ku dhaliileeen madaxweynaha waare in markii uu xilka qabtay dib u dhac fara badan uu soo wajahay Hirshabeelle mudadii sanadka aheyd ee uu xilka haayo.

Guuxa mooshinka ayaa laga dareemaya magaalada jowhar waxaana macquul ah in ay sii korodho tirada saxiixeysa mooshinka kalsooni kala noqoshada madaxweynaha hirshabeelle maxamad cabdi waare oo muddo sanad ah oo uu haayay xilka aan wax shaqo ah qaban isagoo u dhaxeeyay muqdisho iyo jowhar.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments