Saturday, June 10, 2023
HomeUncategorisedMadaxweynaha Galmudug oo Qaadacay Xil ka qaadistii ay ku sameeyeen Xildhibaanada Baarlamaanka

Madaxweynaha Galmudug oo Qaadacay Xil ka qaadistii ay ku sameeyeen Xildhibaanada Baarlamaanka

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Galmudug oo ku shiray magaalada Cadaado ayaa sheegay inay galabta xilkii ka qaadeen Madaxweynaha Galmugug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Shirka waxa gudoominayay Cali Gacal Casir oo daraad koox kale oo Xildhibaano ah oo ku shiray Dhusamareeb ay sheegeen inay xilka ka qaadeen.

Hasa yeeshee madaxwayne Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo BBC la hadlay ayaa beeniyay in xilka laga qaaday.

Waxa uu sheegay Mr Xaaf in xildhibaano aysan joogin Cadaado islamarkana Mr Cali Gacal Casir uusan ahayn gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo maalmo ka hor xilka laga qaaday.

“Xildhibaano meesha ma joogaan waa 9 xildhibaan iyo mid uu isagu yiri nin tagay buu badalayaa oo uu maanta dhaariyay marka waxaasi waa wax iska fowda ah,” ayuu yiri Mr Xaaf.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii xildhibaano ku shiray magaalada Dhuusamareeb ay sheegeen in ay xilka ka qaadeen gudoomiyihii baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments