Xaalka degenaansho ee maamulka galmudug oo waayadaanba la ciir ciireysay mooshinno iyo qalalaaso siyaasaddeed ayaa waxaa cirka isku sii shareeray mooshinada laga keenaayo madaxda maamulkaasi.
Xildhibaanada baarlamaanka galmudug ee ku sugan Dhuusamareeb ayaa waxa ay mooshin ka keeneen Madaxweyne kuxigeenka Maxamed Xaashi Carabey oo ku sugan magaalada Cadaado.
Ilaa 97 Xildhibaan ayaa mooshinkaan saxiixay waxaana muuqata in xildhibaanada ku sugan Magaallooyinka Cadaado iyo dhuusamareeb ay isugu jawaabayaan Mooshinno xil ka qaadis ah.
Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ayaa fadhi u kala noqotay labada dhinac ee uu khilaafka u dhaxeeyo, waxaana Galmudug qarka u saaran tahay inay yeelato Labo Guddoomiye Baarlamaan iyo labo Madaxweyne.
Mas’uuliyiinta Galmudug ee Khlaafka uu hareeyay ayaa midba midka kale ku eedeeynaya in uu ka dambeeyo mooshinada is daba jooga ah ee xildhibaanada galmudug ay madaxdooda ka keenayaan.
Lama oga halka uu ku dambeyn doono xaalka cakiran ee Galmudug waxaana dadka indho indheeya siyaasadda ay sheegayan in haddii xaalka sidaan uu ku sii socdo Galmudug ay ku adkaan doonto kasii mid ahaanshiyaha Nidaamka Federaalka.