Saturday, June 10, 2023
HomeUncategorisedWafdi ka socda Golaha Aqalka sare oo Maanta u ambabaxay Magaalada Garoowe

Wafdi ka socda Golaha Aqalka sare oo Maanta u ambabaxay Magaalada Garoowe

Iyadoo uu cirka galay khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe ee federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa waxaa golaha aqalka sare uu dhawaan shaaciyay in wafuud u kala direyso dowlad goboleedyada si loo xaliy khilaafka jira.

Wafdiga ugu horreeya ee golaha aqalka sare u diraayo dowlad goboleedyada ayaa maanta waxa ay ku wajahanyihiin Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Wafdigan oo ka kooban Senataro ka tirsan Aqalka Sare iyo howl wadeeno ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho, waxaana Garowe uga horeeya Senator C/raxmaan Faroole oo Guddoomiye u ah Wafdiga Aqalka Sare ee Puntland loo diray.

Wafdigan ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Puntland C/weli Cali Gaas iyo golayaasha dowlad goboleedka Puntland.

Wafdi kasto ee aqalka oo loo diraayo Maamul Goboleedyada waxaa loo sameeyay Guddoomiye wafdigaas horkacaaya waxaana hadda muuqata in Aqalka sare uu xoogga saaraayo sidii loo soo afjari lahaa khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments