Saturday, March 25, 2023
HomeUncategorisedSawirro: Wafdi ka socda Aqalka Sare oo ku wajahan Magaalada Kismaayo

Sawirro: Wafdi ka socda Aqalka Sare oo ku wajahan Magaalada Kismaayo

Wafdi ballaaran kana socda Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u ambabaxay magaalada Kismaayo,halkaasi oo lagu wado iney kula kulmaan Mas’uuliyiinta ugu sareysa Maamulka Jubbaland si ay xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale madaxda Dowlad Goboleedyada dhexdooda u raadiyaan.

Wafdigan oo ka kooban toban xubnood oo ka socda Golaha Aqalka sare ayaa waxaa hoggaaminaya Senator Axmed Xaashi,waxayna ku wajahan yihiin Dowlad Goboleedka Jubbaland,wuxuuna Ujeedka Safarkooda uu yahay xog ururrin dhab ah iyo xal waara sidii loo heli lahaa.

Dhnak kale,Wafdigii kan ka horeeyay ee Aqalka sare u diro Dowlad Gobolleedyada ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka.

Wafdiga Jubbaland ayaa kismaayo waxa ay kula kulmi doonaan hoggaamiyaha jubbaland axmad madoobe waxaana la filaya in arrinta khilaafka laga hadlo .

Aqalka sare wuxuu wafuud kala duwa u diray Maamullada Puntland,Koonfur Galbeed iyo Jubbaland waxaana xiga Maamullada Hirshabeelle iyo Galmudug oo Wafdi loo diri doono dhawaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments