Saturday, March 25, 2023
HomeUncategorisedSawirro: Madaxweyneyaasha Jabuuti iyo Eritrea oo ku kulmay Wadanka Sacuudiga

Sawirro: Madaxweyneyaasha Jabuuti iyo Eritrea oo ku kulmay Wadanka Sacuudiga

Magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga waxaa markii ugu horreysay muddo toban sano ah ku kulmay madaxweyneyaasha dalalka Jabuuti iyo Eritrea.

Ismaaciil Cumar Geelle iyo Esias Afawarqi ayaa la filayay in ay heshiis nabadeed kala saxiixdaan balse ilaa haatan ma jiro wax heshiis ah oo ay kala sixiixdeen.

Boqorka dalka Sacuudiga Salmaan bin Cabdalcasiis ayaa fidiyay gogosha ay ku wada hadleen labadaas masuul.

Saxan saxo nabadeed oo ka billaabatay heshiiskii taariikhiga ahaa ee ay kala sixiixdeen Itoobiya iyo Eritrea ayaa u muuqda in uu ku faafay geeska Afrika.

Sidaadii labadaas dal ay u soo afjareen colaaddii xadka Badhume ee labaatanka sano soo jiitantay, waxaa heshiis dhexmaray Soomaaliya iyo Eritrea.

Intaas ka dibna saddexda wasiir arrimo dibadeed ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa booqday Jabuuti si loo soo afjaro colaadda xadka ee Eritrea iyo Jabuuti.

Dawladda Sacuudiga oo sii xoojinaysa arrintaas ayaana magaalada Jidda ku casuuntay labada madaxweyne ee Eritrea iyo Jabuuti.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments