Golaha ay ku mideysanyihiin Dowlad Goboleedyada oo ka jawaabaya Mowqifkii Hirshabeelle uga laabatay go’aankii Kismaayo ayaa waxaa ay sheegeen in go’aanka Hirshabeelle aanu quseynin golaha oo dhan mowqifkoodana uusan marnaba is beddeli doonin.
Waxa ay sheegeen in Qadiyaddaha ay isku hayaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada in ay yihiin kuwo heer qaran ah oo ay lagama maarmaan tahay in xal wadareed wadahadal ku yimid in lagu dhameeyo.