Saturday, March 25, 2023
HomeUncategorisedSawirro: Wafdi ka socda Aqalka sare oo kulan la qaatay Madaxweynaha Galmudug

Sawirro: Wafdi ka socda Aqalka sare oo kulan la qaatay Madaxweynaha Galmudug

Guddiga Golaha Aqalka sare uu u xilsaaray Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa la kulmay Madaxda Maamulkaasi uu ugu horeeyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Kulanka ay yeesheen Guddiga Golaha Aqalka sare iyo Madaxda Galmudug ayaa kusoo dhamaaday Guul iyo Isfaham, iyadoo Masuuliyiinta Dowlad Gobaleedka Galmudug ay soo dhaweeyeen Doorka dhex dhexaadinta uu Aqalka sare u istaagay, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin inay qaataan Doorka dhex dhexaadinta khilaafka jira.

Wafdiga ayaa madaxweyne xaaf kala hadlay xaaladda siyaasadda dalka uu maraayo iyo sidee loo soo afjari lahaa khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada waxaana xaaf uu soo dhaweeyay dedaallada uu wado golaha Aqalka sare.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments