Madaxweyne Farmaajo ayaa Kulan aan la shaacin waxa uu la yeeshay Qoyska ay ka geeriyootay Deeqa Daahir Cali oo Askari Ka tirsan Dowladda uu toogasho ku dilay.
Warbaahinta Gudaha lalama wadaagin kulanka uu Madaxweyne Farmaajo la qaatay Qosyka Deeqa Yar balse madaxweynaha ayaa la sheegay in uu qoyska Gabadha uga tacsiyadeeyay Geeridii ku timid gabadhooda 9 sanno jirka aheyd oo iyadoo Dugsi katimid si xaq darro ah loo dilay.
Dawladda Soomaaliya ayaa xirtay afar askari oo lagu eedeeyay in ay dileen gabadhaas.
Deeqa Daahir ayaa ku sii socotay guriga iyada oo saaran baska iskuulka oo dhex marayay magaalada Muqdisho, askarta dawladda ayaana rasaas furay si ay gawaaridu u socdaan oo saxmaddu u kala yaraato.
Gabadhan yar ayaa la aasay Khamiistii, ka dib markii ay haleeshay xabbad iyada oo faraxsan oo jalaato cunaysa.