Prof. Yaxye Sheekh Caamir, oo ka mid ah aqoonyahanada magaalada Muqdisho, sidoo kalena ah fallanqeeye siyaasadeed ayaa ka hadlay laba qarax oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, oo mid ka mid ah uu ka badbaaday.
Qoraal uu soo dhigay facebookiisa ayuu ku sheegay in kursiga uu fadhiyey lagu xiray qaraxa balse Aalle ka badbaadiyey xiligaasna uu ka dagay gaariga .
Prof ayaa sheegay in Qaraxa isaga loola dan lahaa balse qadartii alle ay u timid walaalkiis oo qaraxa ku geeriyooday.
Prof Yahye Shiikh Caamir ayaa waxaa uu sheegay in Dilka walaalkii iyo Qaraxyada Muqdisho aan dusha laga saari karin Alshabaab oo kaliya isagoona xusay in Muqdisho ay ka howlgalaan 7 koox oo dadka ku dila Magaalada.
“Magaalada Muqdisho, waxaa wax ku dila toddoba kooxood oo kala duwan, oo Shabaab kaliya ma fuliyaan dilalka. Sidaas darteedna ma garan karo cidda dishay walaalkey” ayuu yiri Yaxye Sheekh Caamir.