Saturday, March 25, 2023
HomeUncategorisedDaawo: Dowladda Soomalia oo Dacwad ka gudbisay Markab Dhuxul ka qaaday Somalia...

Daawo: Dowladda Soomalia oo Dacwad ka gudbisay Markab Dhuxul ka qaaday Somalia oo Ciraaq ku xirtay

Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cusmaan Abuukar Baalle ayaa sheegay in markab dhuxul sharci-darro ah kasoo qaaday Soomaaliya uu ka degay Dekedda Umm Qasri ee dalka Ciraaq.

Safiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay aad uga xuntahay xagudubkaasi, ayna kala hadashay dowladda Ciraq iyo hay’adaha qaabilsan arrimahan.

Wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayuu ku sheegay in markabkan uu siday illaa 200,000 jawaan dhuxul ah, isagoo ka codsaday dowladda Ciraaq in arrintan ay baarto, isla markaana hubiso markabkan shixnada Dhuxusha siday ee ku xirtay dalkeeda.

Markabkaan ayaa dhuxusha kasoo qaaday dekedda kismaayo waxaana inta badan dhuxusha sharci darrada ah ee dalka laga dhoofiyo ka ganacsada axmad madoobe horjoogaha maamulka jubbaland oo adeegi uga ah dhoofinta dhuxusha dowladda kenya .

Halkaan ka Daawo Wareysiga Safiirka.

https://youtu.be/vX8IH1rBUcI

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments