Saturday, March 25, 2023
HomeUncategorisedDiyaaraddo dagaal oo duqeeyay Dagaalamayaal Alshabaab ah oo duleedka kismaayo ku sugnaay

Diyaaraddo dagaal oo duqeeyay Dagaalamayaal Alshabaab ah oo duleedka kismaayo ku sugnaay

a soo baxay Taliska ciidamada Militariga Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano Africom ayaa lagu sheegay in ay fuliyeen weerar cirka ah oo lala beegsaday Meleeshiyaadka Alshabaab,ka dib markii ay Al shabaab weerar ku qaadeen Ciidamadda Dowlada Federaalka.

Weerarkan xagga cirka ah ayaa laga fuliyay meel qayaas ahaan 40-KM Waqooyi Bari kaga beegan magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose, waxaana lagu dilay 9-Maleeshiyo ka tirsan Al shabaab.

Mareykanka ayaa sii kordhisay weerarad lagu bartilmaameed-sanayso maleeshiyada iyo horjoogayaasha Alshabaab.

Dowladda Soomaaliya oo garab ka heleysa saaxiibbadeeda caalamka ayaa dar dar gelisay duqeymaha iyo weerarrada ay argagixisada Alshabaab kula beegsaneyso goobaha ay dalka kaga sugan yihiin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments