Saturday, June 10, 2023
HomeUncategorisedFADEEX: Xildhibaan Cabdi Shakuur Cali Mire oo aad ugu Dhaw Farmaajo oo...

FADEEX: Xildhibaan Cabdi Shakuur Cali Mire oo aad ugu Dhaw Farmaajo oo Lagu Helay Dambi Qaran

Xildhibaanka aad ugu dhaw Madaxweyne Farmaajo Ee Lagu Magacaabo Cabdi Shakuur Cali Mire waa Shaqsiga u fududeynaayay Shabakadda lagu qabtay Garoonka Diyaaraddaha Aadan Cadde kuwaasi oo ka shaqeeynayay dhaqidda lacagaha Madow ee Dollarka iyo sameynta Lacagaha Been Abuurka ah.

Xildhibaan Cabdi Shakuur Cali Mire oo aad ugu Dhaw Teamka Madaxweyne Farmaajo ayaa Fadeexad dhexda ka istaagay waxaana hadda ku socda baaritaan xooggan haddii cadeymo lagu helo wuxuu weyn karaa xasaanaddii baarlamaanka xabsina waa loo taxaabaya.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa ii xaqiijiyay in Xildhibaanka u fududeynaayay shabakadda in ay garoonka ka dhoofto uu ahaa Xildhibaan Cabdi Shakuur Cali Mire.

Dowladda Soomaaliya ayaa fal dambiyeed u aqoonsatay lacag dhaqidda, iyadoo Bishii February ee sanadkii 2016 uu saxiixay sharciga lacag dhaqida Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaddib markii uu Baarlamaankii 9aad uu ansixiyay sharcigaas bishii December ee sanadkii 2015.

Haddaba sharcigaas uu baarlamaanka ansixiyay madaxweynahana uu saxiixay waxaa laga doonaya in dowladda hadda jirta ay meel mariso xubnaha fal dambiyeedka lacag dhaqidda lagu helayna ay maraan ciqaabta uu sharcigaas uu ka qabo qofkii lagu helo dambigaas qatarta ku ah Amniga iyo dhaqaallaha dalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments