Saturday, June 10, 2023
HomeUncategorisedKulankii Drs Faadumo Sheekh Cali Jimcaale & Jaalliyada Holland

Kulankii Drs Faadumo Sheekh Cali Jimcaale & Jaalliyada Holland

Magaalada Amsterdam ee waddanka Holland waxa caawa( 6-07-2019) ka dhacay kulan si quruxbadan loo soo agaasimay oo ujeedadiisuna aheyd Tabarucaad dhaqaale ururin Lagu kaalmeynayo Xarun caafimaad oo Lagu magacaabo Maandhaye lagana Hergelinayo Magaalada Beletweyn.

Hergelinta xaruntan waxa hormuud ka ah drs Faadumo Sheekh Ali Jimcale oo horey Magaalada Burco uga hirgelisay xaruntan caafimaad ee Maandhaye.

Kulankan waxa ka soo qeybgalay Dhamaan Bulshada Soomaalida Netherland Qeybaheeda Kala duwan, Sidoo kale marti sharaf ka Kala yimid wadanka Ingiriiska iyo Denmark drs Advocate Aasha kiin Ducale & drs Shamsa Sheegoow.
Dadkii Goobta ka hadlay ayaa dhamaantood Aad u soo dhaweeyey hirgelintan xaruntan caafimaad ee Lagu daaweynayo dadka Soomaaliyeed ee xanuunka dhimirka qabo.

Dadkii Goobta ka hadlay waxa ka mid ahaa
Gudoomiyaha Dallada Urururada Soomaaliyeed ee wadanka Holland (FSN) Ali Ware , Gudoomiyaha Jaalliyada Soomaalida Amsterdam Xassan Wehliye ( xassan Yare) , Advocate Muuse Xersi, drs Faadumo Faarax ( Madaxa heyada Hirda), Prof Abdi Faarax Gudoomiyihii Jaamacadii Umada Soomaaliyeed (Gaheyr).
Kulankan oo jawi quruxbadan ku dhacay ayaa waxa goobta Lagu ururiyey lacag taburaca oo 5000€ ah.
Barnaamijkan waxa daadihinayey Sayid Cali Caseyr
Dhamaan intii soo qabanqaabisay , Ka soo Qeybgashay oo tabarucday Aad Bey u mahadsanyihiin
Gacmo wada jir Bey wax ku gooyaan

Hlkaan hoose ka daawo Muuqaalka

https://youtu.be/wQHuDup-o3U?t=8

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments