Sunday, March 26, 2023
HomeUncategorisedHodon Naaleye oo ka mid noqotay dadkii ku dhintey weerarkii Hotel Cascasey

Hodon Naaleye oo ka mid noqotay dadkii ku dhintey weerarkii Hotel Cascasey

Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunt gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegayaa in weerarkii lagu qaaday gelinkii dambe ee maanta hotel Medina “EX Cascasey” dadkii ku dhintey ay ka mid ahay Hodon Naaleeye oo ahayd saxafiyad soo saarta filmaan dukumantari ah.

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa dadkii ku dhintey Hodon seygeeda oo la oran jirey Fariid Jaamac kaasoo ka mid ahaa siyaasiyiinta Jubbaland.

Dadka ku dhintey weerarkan ka dhacay Kismaayo ayaa waxaa kamid ahaa weriye Maxamed Sahal Cumar oo loo yiqiin Gacmadheere iyo siyaasiyiin kale.

Allaha u naxariistee Hodon Naaleeye ayaa waxa ay madax ka ahayd taleefishinka Integration oo muuqaalo badan laga daawaday iyadoo safari ku tegi jirtey gobolada dalka Soomaaliya.
Hodon ayaa ku dhalatay magaalada Laascaanood sanadkii 1976kii hase yeeshee qoyskeeda ayaa galay dalka Canada 1984kii waxayna wax ku baratay wadanka Canada.

Alle ha u naxariistee Gabadhan ayaa aheyd mid dalkeeda aad u jecel bulshada caalamkana u bandhigi jirtay xaalada dalka Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments