Saturday, June 10, 2023
HomeUncategorisedWasiir Goodax oo daah-furay mashruuca horumarinta waxbarashada+ Sawirro

Wasiir Goodax oo daah-furay mashruuca horumarinta waxbarashada+ Sawirro

Wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka daah-furay isla markaana saxiixay mashruuca horumarinta waxbarashada ee (Education Cannot Wait), oo ay si wadajir ah u fulinayaan hay’adda ADRA iyo Wasaaradda Waxbarashada, hiddaha iyo Tacliinta Sare Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ka hadlay mashruucan ahmiyadda uu u leeyahay horumarinta waxbarashada Carruurta Soomaaliyeed, waxaana mashruucan laga fulin doonaa dhammaan Gobolada Dalka oo idil, si looga wada faa’iideysto.

“Waxaan Maanta daah-furay isla markaana saxiixay mashruuca horumarinta waxbarashada ee (Education Cannot Wait) oo ay si wadajir ah u fulinayaan hay’adda ADRA iyo Wasaaradda Waxbarashada,hiddaha iyo tacliinta sare”ayuu yiri mudane; Goodax.

Waxaa daah-furka mashruucan goobjoog ka ahaa xubno ka socda hay’adaha USAID, EU, ECW secretarial, UNICEF iyo ADRA, iyagoo si wada jir ah u soo dhoweeyay yididiila wanaagsanna ka muujiyay.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments