Madaxweynaha Hirshabeelle Dr. Maxamed Cabdi Waare oo si weyn loogu soo dhawaayay Magaalada Dhuusa mareeb

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo oo goordhow soo gaaray Magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta Galmudug ayaa waxaa garoonka diyaaraha Dhuusa mareeb ku soo dhoweeyay Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Shaakir iyo Masuuliyiin ka tirsan maamulka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa Dhuusa Mareeb u soo gaaray in ay taageeraan islamarkaana dhiira galiyaan Dadaalada Raisul Wasaaraha uu wado ee dhismaha Galmudug, iyo in la dar dargaliyo dadaalada ay isaga kaashanayaan Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna Colaad beeleedyada ku soo noq noqday Deegaanno Hoos yimaada Degmooyinka Matabaan iyo Maxaas.

Soo dhoweyn kaddib Madaxa Xukuumadda Sheekh Shaakir ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay Imaashiyaha Madaxweynaha Iyo Wafdigiisa magaalada Dhuusa Mareeb waxaana uu ku micneeyay booqashada Wafdiga Hirshabelle in ay yihiin walaal dhab ah oo mar walbo u taagan garab istaaga Galmudug,

“Madaxweyne Waare waxaa tahay tahay Nabadoonka Galmudug iyo Hirshabelle waan kaaga mahacelineynaa sida mar walbo aad u garab taagantahay horumarinta Galmudug, iyo wel welka aad ka qabto wax kasta oo hagal daacinaya Galmudug, Ayuu yiri Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa isna muujiyay sida ay u taageersanyihiin dadaalada Raisul wasaaraha uu wado ee dhisida Galmudug loo dhanyahay, waxaana uu sheegay dana badan ay wadaagaan Galmudug iyo Hirshabelle Galmudug oo hagaagtaana ay tahay Hirshabelle oo horumarta, waxaana uu xusay in uu rajeyanayo dadka reer Galmudug in ay ka wada shaqeyn doonaan Galmudug oo horumarta. Madaxweynaha oo sii hadlay ayaa sheegay sidoo kale Booqashada maanta isaga iyo wafdigiisa ay ku yimideen Dhuusa Mareeb ay tahay sidii ay isaga kaashan lahaayeen Hirshabelle iyo Galmudug sidii loo soo afjari lahaa colaad beeleedyada soo noq noqday oo dhibaato xoog leh ku ah dadka degan deeegaannada Hoos yimaada Degmooyinka Maxaas iyo Matabaan.

“labada qodob aan u nimid Maanta Dhuusa Mareeb ayaa kala ah in aan taageerno oo aan dhiira galino Dadaalada Raisul Wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Kheyre uu waday maalmihii la soo dhaafay ee dhisida Galmudug Horumarsan, taasi oo muhiimad gaar ah u leh umadda Reer Galmudug, iyo in Maamulka Galmudug aan iska wareysano colaad beeleedyada kuu soo noq noqday Deegaanno hoos yimaada Matabaan iyo Maxaas, si xal waara looga gaaro colaadahaasi oo wax faaida ah u laheyn dadkeena” ayuu yiri Madaxweyne Waare. Madaxweynaha ayaa inta Dhuusa Mareeb uu joogo waxaa uu kulama la qaadan doonaa Raisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Madaxda Ahlusunna.

Facebook Comments