Madaxweynaha Maamulka-HirShabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare
Waxa uu Hogaaminta Maamulkiisa ku darsaday Nabadoonimo taasoo laga dheehankaro Booqadashadii isaga & wafdigiisa balaaran ee labada gole HirShabeelle ku tageen Maamulka ay deriska yihiin Ee Gobalka Mudug si ay u taageeraan geedisocdka dhismaha Gal-Mudugta Cusub iyo Nabadeynta lagu baadigoobayo oo Raiisulwasaare Xassan Cali Kheyre oo mudo bil dhow u joogo Gal-Mudug.
Sidoo kale Madaxweynaha & Wafdigiisu intii ay ku sugnaayeen Magaalada Dhuusamareeb ( caasimada Gal-Galmudug waxa ay la kulmeen Madaxd uu ugu horeeyo Mudane Sheekh Shaakir ,Culumaa udiin , waxgaradka , Odoyaasha iyo Masuuliyiin kale oo farobadan ayna kawada hadleen
Nabadeynta & joojinta colaaladaha ka dhexjira beelaha walaalaha ee deggan GalGaduug & Hiiraan.
Madaxweyne Waare waxa uu carabka ku adkeeyey sida ay muhim u tahay Galmudug oo Nabad & Barwaaqo ah iyo in aanay Kala Maarmin labada Maamul Gal-Mudug & Hirshabeelle maadama ay deris yihiin waxbadana ka dhaxeeyaan.
Madaxweynaha & Wafdigiisu waxay dib ugu laabteen caasimada Maamulka Hishabeelle ee Jowhar oo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen Madaxweyne ku xigeenkiisa Mudane Cali Xusseen Guudlaawe , Gudoonka Baarlamaanka , labada gole & ururada Bulshada.
Madaxweyne Waare oo mudo bil ka badan ku sugnaa Magaalada Beledweyn ( xarunta Ganacsiga ) ee Maamulka Hishabeelle ayaa ku Guuleystay in khilaaf halkaa ka jiray Lagu xaliyo si Nabadoon iyadoo ay kaalin weyn ka qaateen ( Odoyaasha Dhaqanka , Culumada, waxgaradka, Dhalinyarada Haweenka. Sidoo kale waxa xusid Gaara mudan dowrkii shariifka ahaa ee ay Xildhibaanada Federaalka & labada Gole ee HirShabeelle ka geystaan xalinta khilaafkan.
Waxa muuqaneysa in Maamul Goboleedka HirShabeelle iyo Dowlada Dhexe ay ka muuqato wadashaqeyn fiican oo ku dayasho mudan.HirShabeelle oo ah Maamulka ugu dada yar Maamul Goboleedyada hadana waxa ka muuqata in ay doonayaan in ka dabo tagaan Maamulada ka horeeyey taana waxa Marqaati ka ah horumarka ka socda oo ay tusaale u tahay Booqashadii shalay Madaxweyne ku xigeenka Mudane Cali xuseen Guudlaawe iyo Wafdigiisu ku tageen Kulliyada tababarka Booliiska HirShabeelle.
Hirshabeelle waxa ka muuqaneya in ay u jiheystay jidkii Horumarka iyo u sii dhawaashaha Biseylka siyaasadeed iyo in khilaafka wadahal Lagu xaliyo iyadoo laga fekerayo ( Danta Guud ) ee Ummada Soomaaliyeed oo dhibaato ka daashay.
Gacmo wada jir ayey wax ku gooyaan
Mahadsanidiin
Sayid Ali Aseyr
caseyr120@gmail.com