Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ku wajahan Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmdug waxaa ku wajahan saaka Wasiirka Arriamaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo.

Ujeedada Safarka Wasiirka ayaa ah in lagu dhawaaqo Gudigga qaban qaabada Shirka dib u heshiisiinta Beelaha daga Galmudug oo dhawaan halkaas ka furmaya.

Sida aan ku heleyno wararka ayaa sheegaya in magaalada  Dhuusamareeb  diyaargarow weyn laga dareemayo taa oo ku aaday soo dhaweynta Wasiirka Armiaha Gudaha.

Dhuusamareeb waxaa ku sugan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre waxaana uu  u joogaa halkaas siddii Doorashada Galmudug qaab wanaagsan ugu dhici laheyd.

Saacadaha soo socda ayuu Wafdiga Wasiirka tagi doonaan Magaalada Dhuusamareeb waxaana idiin soo gudbindoonaa Sawirada iyo Muuqaalka marka uu halkaas tago.

Facebook Comments