Saturday, June 10, 2023
HomeUncategorisedAl-Shabaab oo sheegtay in Askar ka kala tirsan Milateriga iyo Booliska ku...

Al-Shabaab oo sheegtay in Askar ka kala tirsan Milateriga iyo Booliska ku dishay Muqdisho

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku beegsatay saraakiil ka tirsan Ciidanka Milateriga iyo Booliska.

Sida lagu daabacay baraha Internet-ka ee taageera Shabaab, rag bastoolado ku hubeysan ayaa shalay gelinkii dambe ku dilay agagaarka Isgoyska Afarta Jardiino Askari ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka oo lagu magacaabayay Cumar Colow.

Askarigan ayaa la sheegay in xilliga la dilayay uu watay Mooto, waxaana mootada horay u kaxeystay kooxdii dilka geystay, waxaana wararku sheegayaan inuu Askarigan ka mid ahaa muddooyinkii u dambeeyay Ilaalada Taliye kuxigeenka NISA.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska ku dileen degmada Dharkeenley, waxaana sarkaalka ay dileen lagu sheegay magaciisa Xidigow Cumar Dhegajuun.

Dilalkan labada askari ayaa tirada askarta lagu dilay 48-kii saac ee la soo dhaafay uu ka dhigayaa illaa saddex askari, iyadoo habeen ka hor agagaarka Isgoyska Sanca lagu dilay Askari Boolis ah.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments