Monday, June 5, 2023
HomeUncategorisedRa’iisul Wasaare Hassan Ali Kheyre oo Puntland ugu hambalyeey 21-guuradii ka...

Ra’iisul Wasaare Hassan Ali Kheyre oo Puntland ugu hambalyeey 21-guuradii ka soo wareegtay markii la aas aasay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Dowlad Gobaleedka Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda xuska 1-da August oo ku beegan 21-sano guurada ka soo wareegtay maalintii dhidibada loo taagay.

“Hambalyo, dhammaan reer Puntland. Waxaan idiinku hambalyeynayaa munaasabadda 21 guurada ka soo wareegatay markii la aasaasay Dowlad Goboleedka Puntland. Waxaan bogaadinayaa horumarka ay Puntland ku tillaabsatay 21kii sano ee ay jirtay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay horumarka dhanka maamulka iyo xasilloonida ay Puntland ku tillaabsatay 21-ka sano ee ay jirtay, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay sii xoojiyaan ka shaqeynta horumarka deegaanka iyo guud ahaan qarannimada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa reer Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay horumar ballaaran, nabad iyo barwaaqo.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments