Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedWasiirkii Hore ee Qorsheynta Maamulka Puntland oo qarax ka badaaday

Wasiirkii Hore ee Qorsheynta Maamulka Puntland oo qarax ka badaaday

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Maamul Goboleedka Puntland Shire Xaaji Faarax ayaa ka badbaaday qarax lagula eegtay gaarigiisa oo marayay bartamaha magaalada Boosaaso.
Gaariga wasiirka oo ahaa nooca loo yaqaan HELUX ayaa qaraxa lala eegtay xilli uu marayey laamiga weyn ee bartamaha magaalada waxaana ku dhaawacmay askari ka mid ahaa ilaalada Wasiirkii hore ee Qorsheynta Puntland.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in wasiirka oo saarnaa gaariga uusan wax dhaawac ah ka soo gaarin qaraxa balse uu burbur ka soo gaaray gaarigiisii.

Ammaanka magaalada Boosaaso iyo guud ahaan gobolada maamulka Puntland ayaa la kordhiyay maalmihii la soo dhaafay iyadoo ay ka dhacayeen gobolada Puntland munaasabad lagu xusayay sanadguurada 21aad ee aasaaska Maamul goboleedka Puntland.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments