Monday, June 5, 2023
HomeUncategorisedLabo Askari Oolagu Dilay Duleedka Muqdisho.

Labo Askari Oolagu Dilay Duleedka Muqdisho.

Kooxo hubeysan ayaa labo Askari oo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ku dilay degaanka Tareedisho.

Dilka ayaa yimid ka dib markii Askarta oo la socotay Kolonyo ka tirsan Ciidanka AMISOM islamarkaana Watay gaari ay leeyihiin Ciidanka xoogga kooxda hubeysan ay rasaas ku fureen ka dib markii ay wadada ku xiran tahay.

Mid ka mid ah Askarta ayaa isla goobta ku geeriyooday, waxaana mid kale uu u dhintay dhaawac soo gaaray.

Kooxda dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay waxaana halkaasi hadda howlgallo ka wadda Ciidanka Booliska.

La soco wixii soo kordha..

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments