Saturday, June 10, 2023
HomeUncategorisedMadaxweyne Farmaajo oo saxiixay sharciga dhismaha guddiyada la dagaalanka Musuqmaasuqa

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay sharciga dhismaha guddiyada la dagaalanka Musuqmaasuqa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay maanta sharciga dhismaha guddiyada la dagaalanka Musuqmaasuqa ee labada heer.

Sharcigaan ayaa soo maray marxalado kala duwan ayaa ugu danbayn maanta oo Sabti ah ugu danbayn lagu saxiixay Munaasabad ka dhacday madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Khudbad ka jeediyay Munaasabadda lagu saxiixay Sharciga ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay dadaal badan ku bixin doonto la dagaalanka Musuqmaasuqa.

Madaxweynaha waxaa uu ugu baaqay dhammaan Shacabka Soomaaliyeed kala shaqeynta in lasoo afjaro Musuq maasuqa.

 

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments