Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedMadaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka hadlay xaalada Galmudug

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka hadlay xaalada Galmudug

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka hadlay xaalada Galmudug ayaa sheegay in aan xilligan aan loo baahnayn colaad ka soo cusboonaata deegaanada Galmudug.

Cabdikariin Guuleed ayaa waxaa uu sheegay in dadka Reer Galmudug ay kasoo daaleen colaad iyo isfaham la’aan ka dhex-jirta , isla markaana xilligaan aysan u baahneyn colaad.

“Colaad iyo is faham la,aan waa ay ka soo daaleen dadka ku nool deegaanada Galmudug umana baahna colaad iyo dagaalo kale oo dhiig ku daato,waxaana dadka reer Galmudug ay ka reebeen asaagooda dowlad gobaleedyada kale ayuu yiri”Cabdikariin Guuleed.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay nasiib-darro tahay in iyada oo lagu guda jiro dhismaha Galmudug colaadeed ay halkaas ka soo if baxaan kana aloosmaan,isaga oo ka soo saaray baaq ka kooban Saddex qodob,kuwaas oo kale ah.

1-In labada dhinac ay joojiyaan gulufka colaadeed iyo gacan ka hadalka, waxii is faham la,aan ahna lagu xaliyo is faham iyo wadahal.

2-Dowladda waxaan si gaar ah ugu baaqayaa inay ixtiraamto haddii ay jiraan wax heshiis ah oo ay la gashay culumada Ahlu sunna, tixgalisana dowrkii ay ku lahaayeen la dagaalanka Al-Shabaab iyo difaaca deeganadaas.

3 . Ururka Ahlu sunna waxaan ugu baaqayaa inaysan dib u cunin halgankoodii iyo xushmadii ay bulshada Galmudug iyo tan Soomaaliyeedba u hayeen, ayna garwaaqsadaan in ay lagama maarmaan tahay inay ku milmaan nidaamka dowladnimo, oo aysan marnaba suurta gal aheyn is feer socodka nidaam dowladeed iyo urur hubeysan, waayo waa waxaan isla jaan qaadi karin.

Qaar ka mid ah deegaanada maamulka Galmudug ayaa waxaa ka soo cusboonaaday xiisad u dhexeysa ururka Ahlu Sunna iyo dowlada federalka waxaana soo baxaya baaqyo ku aadan in la xaliyo khilaafka ka jira labada dhinac.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments