Xiisad u dhexeysa dowlada Soomaaliya iyo Jubbaland oo ka taagan Ceelwaaq

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in xiisad u dhexeysa ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ay ka taagan tahay degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi.

Xiisadan ayaa timid, kadib markii uu sii xoogeystay khilaaf u dhexeeyey labada dhinac oo maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa halkaasi, iyadoona laga cabsi qabo inay dagaalamaan labada ciidan.

Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa isku qabtay dad taageersan dowladda, kana soo horjeeda Jubbaland oo lagu xir xiray magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidanka dowladda lagu amray inay isaga baxaan halkaasi, kadib markii labada dhinac ay ku heshiin waayeen arrimaha maamulka.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda federaalka ah eee Soomaaliya inay soo farageliso arrintan, una soo gurmato, sida uu hadalka u dhigay.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii dambe uu jiray khilaaf u dhexeeyey dowladda oo ka dhashay doorashooyinkii ka dhacay Kismaayo, iyo sidoo kale xariga ay dowladda u geysatay wasiirka amniga Jubbaland oo weli ku xiran magaalada Muqdisho.

Facebook Comments