Sunday, March 26, 2023
HomeUncategorisedAskar lala begsaday Qarax miino iyo faah faahino dheeraad ah oo laga...

Askar lala begsaday Qarax miino iyo faah faahino dheeraad ah oo laga helayo

Ciidamo katirsan kuwa dowlada federaalka Soomaliya ayaa qarax miino lagula eegtay gobolka Shabeelaha hoose.

Ciidanka qaraxa miinada lala eegtay ayaa waxay ku sugnaayeen deegaanka Warmaxan oo hoos yimaada degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, warar dheeraad ah oo lahelayo ayaa sheegay in qaraxaas uu sababay dhimasho iyo dhaawac soogaartay askarta lala beegsaday.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi loo adeegsaday qaraxa miino, sida ay ku baahisay bogageeda Internet-ka.

Qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in ugu yaraan illaa afar askari ay ku dileen qaraxaasi, sida ay hadalka u dhigeen.

Weli ma jiro war ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada dowladda oo la xariira qaraxaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments