Kulanka weyn ee El Clasico ayaa caawa lagu madalsan yahay inay isku arkaan Gagida Barnabeu labada naadi ee aadka ugu xifaaltama horyaalka dalka Spain ee Real Madrid iyo Barcelona, saacaddu marka ay tahay 11:00 ka habeenimo ama shan saac oo caawa ah.
El Clasico waa kulanka ugu xiisaha badan kubadda cagta kulanka caawa ayaana ah kii 277-aad ee labadaan kooxood isku arkaan, kulankii ugu horeeyay ee El clasico ayay labadaan kooxood isku arkeen 13 May 1902.
Ninka ugu safashada badan El Clasico waa kabtanka Real Madrid Sergio Ramoos oo saftay 43 kulan halka goal dhaliyaha ugu sareeya uu yahay Kabtanka Barcelona Leo Messi oo dhaliyay 26 goal.
Kulankaan caawa waxaa si toos ah looga daawan doonaa 182 dal oo caalamka ah, 210 Chanel ayaa sii deynaya halka 650 Million oo qof ay daawanayaan waana kulanka saacadaha ugu badan Live ka ah Warbaahinta oo 700 oo saacadood ayuu yahay live.
labada kooxood hadda waxaa ay ku kala jiraan kaalimaha koowaad iyo labaad Real 2 dhibcood ayay ka dambeysaa Barcelona waana waxyaabaha xiisaha u sii yeeli kara kulankaan maadaama kaalinta koowaad loo dagaalamayo.