Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta oo isniin ah Mudo kordhin u sameeyay Waxtiga Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor uu ku soo magacaabaya Golaha Wasiirada Galmudug.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa maanta hortagay Golaha sharci dejinta ee Dowlad Goboleedka Galmudug isaga oo ka wakiil ah madaxweyne Axmed Cbdi ayaa Xildhibaanada ka codsaday in loo kordhiyo mudada so dhisida xukuumadda Galmudug.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa si doo kale Xildhibaanada ka horjeediyey qudbad uu uga hadlay arrimaha amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo halka ay marayso qaban qaabada Caleema saarka Madaxweynaha Galmudug.
Dood ka dib Xildhibaanada ayaa Cod gacan taag ah ku ansixiyay dalabka Madaxwayne ku xigeenka iyagoa oo ku daray muddo bil ah oo ku eg 31 Maarso 2020.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka mahad celiyey fursada la siiyay isla mar ahaantaana bogaadiyay hawlaha shaqo ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug.