Dagaal u Dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Jubaland ayaa ka Bilowday Degmada Baladxaawo Gobalka Gedo.
Dagaalka ayaa ah mid laysku adeegsanayo hubka Culus waxaana Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubaland uu dagaalka xoogiisa ku dhexmarayaa aaga baladxaawa islamarkaana u dhow xadka magaalada Mandheere ee Waqooyi Bari Kenya.
Dadka Degaanka ayaa sheegaya in Dagaalka uu yahay mid Culus waxaana laga cabsi qabaa inuu ku faafo xaadaha baladxaawo ka xiga magaalada Mandheera.
Dagaalka ayaa imaanaya iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay halkaasi isku horfadhiyeen labada dhinac.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada Dowlada iyo kuwa Jubalanad ee halkaasi ku Dagaalamaya.
Wixii Warar ah oo ku soo kordha waan idiinla wadaagi doonaa