Monday, June 5, 2023
HomeUncategorisedDowladda Kenya oo iska bari yeeshay eedeyntii DFS ee ahayd in ay...

Dowladda Kenya oo iska bari yeeshay eedeyntii DFS ee ahayd in ay faragelin ku heyso Dalka.

Dowladda Kenya ayaa ka hadashay Eedeyn kaga timid DFS oo ku ah in ay faragelin ku heyso Madax banaanida Soomaalida, waxaana Xukuumadda Niarobi ay ku tilmaamay wax lasoo dhoodhoobay oo aan dano siyaasadeed oo daahsoon salka ku hayo.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa ku dhaawaqday in qoraal arrintaan ay kaga cabaneyso u dirtay DFS, warqadda ay soo dirtayna jawaab u tahay hadalkii Golaha Ammaanka uu kahor sheegay Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) Danjiraha Soomalaiya u fadhiyo Qaramada Midoobay Jimcihii.

“Kenya waxay diidan tahay eedeynta aan sharciga ahayn ee salka iyo baarka lahayn ee kaga timid DFS, sidoo kale waxa ay si cad banaanka ugu istaagtay faragelinta Arrimaha Gudaha “ ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda kenya.

Kenya waxa ay ku sheegtay Eedeymaha ka dhanka ah kuwo lagu suurad xumeynayo, loogana faaiideysanayo dano gaar ah, waxaana ay soo jeedisay in eedeynta aan salka lahayn laga daayo sida ay hadalka u dhigtay.

“Kenya aqbali mayso in sidan loo isticmaalo waxayna ku dhiirrigelisaa Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay joojiso ololaha, ayna u isticmaasho tamarta si ay hoggaanka ugu gaarsiiso dadkooda” ayaa lagu yiri qoraalka.

DFS ayaa dhowr jeer oo horay ku eedeysay in ay faragelin ay ku heyso Arrimaha Gudaha Soomaaliya, waxaana iska fogeeyay Xukuumadda Nairobi, waxaana ugu dambeyn Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay uu dhawaan Golaha Ammaanka kahor sheegay in Kenya ay faragelin ku heyso Soomaaliya.

ISha:- Daily Nation 

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments