Monday, June 5, 2023
HomeUncategorisedSenetor Cabdi Qaybdiid oo eedeyn xoogan ujeediyay madaxda Dowlada fedeaalka Soomaliya

Senetor Cabdi Qaybdiid oo eedeyn xoogan ujeediyay madaxda Dowlada fedeaalka Soomaliya

Gudoomiyaha gudiga dastuurka ee Baarlamanka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa waxa uu kahadlay doorashada lafilayo inay Soomaaliya ka dhacdo isagoona madaxda haysa talada dalka ugu baaqay inay tartamaan marka waqti xileedkooda dhamaado.

Dhanka kale senetor Cabdi Qaybdiid waxa uu isbarbar dhig ku sameeyay waqtiga ay jirto DFS waxyaabaha ay qabatay iyo kuwa ay ka gaabisay, isaga oo sheegay in ay dadaal xooggan gelisay Siyaasadda iyo deyn cafinta, balse ay gabtay sugidda Amniga iyo mas’uuliyadda ka saaran.

“Waxaa go’ay isku socodka dadka iyo Ciidamada Gobollada Dalka, taas badalkeed Dowladda ciidamadii loogu talagalay in ay u isticmaalo isku furista waddooyinkaas ay geysay Gobollada kale ee dalka” ayuu yiri Senator Cabdi Qaybdiid.

Madaxda DFS waxa uu usoo jeediyay in Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid in ay dadaal badan geliyaan sugidda Amniga iyo dib u heshiisiinta oo muhiim u ah geeddi socodka Soomaaliya.

Waxa uu soo jeediyay in mas’uuliyad la iska saaro sugidda Amniga, maadaama dalka ay kusoo wajahan tahay Doorasho 2020-ka ilaa bilawga 2021-ka

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments