Saturday, March 25, 2023
HomeUncategorisedKiisas laxiriira Cudurka Coronavirus oo laga helay wadamo katirsan Qaarada Afrika.

Kiisas laxiriira Cudurka Coronavirus oo laga helay wadamo katirsan Qaarada Afrika.

Wasaaradaha Caafimaadka Morocco, Senegal iyo Tunisia ayaa markii ugu horeysay si wadajir ah u xaqiijiyay in dalalkooda laga helay kiis ku saabsan Coronavirs.

Morocco oo sharaxday qofka laga helay Covid19 waxa ay ku sheegtay in Nin u dhashay dalkeeda oo ku noolaa Talyaaniga laga helay kadib baaris Caafimaad lagu sameeyay.

Waxaa ninkaan lagu daweynayaa Isbitaal ku yaalla Magaalada Casablanca ee dalka Morocco, si aan u faafin xaruunka Coronavirus oo si fudud ugu gudba Bulshada aan qabin marka uu dhexgalo qof lasoo darsay xanuunka sida lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka.

Kiiskan ayaa la xaqiijiyay kadib markii baaris caafimaad lagu sameeyay qofka lasoo darsay Coronavirus, kadibna natiijada baarista ay noqotay mid togan (Laga helay) sida ay daabacday Wakaaladda Wararka Maghreb Agency Press.

Si lamid ah Senegal iyo Tunisa oo dhaca Qaaradda Afrika waxaa laga helay kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus, waxaana xaqiijiyay Wasaaradaha Caafimaadka labadaan Dowladood.

Abdifitaax Al-Maki Wasiirka Caafimaadka Tunisa oo warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in 40-jir ah oo u dhashay Tunisia in laga helay Coronavirus, waxaana wasiirka uu sheegay in Talyaaniga uu ninkaan kaga soo galay Tunisia safar dhanka badda ah 27-kii Febaraayo ee sanadkaan 2020.

Ablaye Diouf Wasiirka Caafimaadka Senegal oo dhankiisa warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in ay la tacaalayaan qofka uu lasoo dersay COVID19, waxaana uu bogaadiyay howlaha ay hayaan Hay’adaha ku howlan kahor tagga Coronavirus.

Dhanka kale Wasaaradda caafimaadka Sucuudiga ayaa shaaca ka qaaday in gudaha dalkaas lagu arkay qofkii ugu horreeyay ee uu ku dhacay caabuqa Corona.

Saraakiisha waxay sheegeen in qofka uu ku dhacay Corona uu yahay muwaadin u dhashay Sucuudiga oo ka yimid dhinaca Iiraan.

Dalka Tunisia , waxaa lagu arkay qofkii ugu horreeyay ee qabo cudurka kaas oo ah muwaadin u dhashay Tunisia oo ka yimid dhinaca Talyaaniga.

Dhanka kale, wasaaradda caafimaadka Urddun waxay shaaca ka qaaday kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Corona kaddib markii laga helay qof u dhashay dalkaas oo kasoo safray Talyaaniga.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments