Monday, June 5, 2023
HomeUncategorisedMadaxweynaha Galmudug oo saxiixay miisaaniyadda sanadka ee Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug oo saxiixay miisaaniyadda sanadka ee Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye “Qoorqoor” ayaa xalay saxiixay miisaaniyadda dowladgoboleedka Galmudug ee sanadka 2020-ka kaddib markii ay meelmariyeen golaha wasiirrada iyo mudanayaasha Baarlamanka labaad ee Galmudug.

Miisaaniyada cusub ee Galmudug ayaa gaareysa 17,230,054.00 ( todobo iyo toban malyan, laba boqol iyo soddan kun, iyo konton iyo afar doolar) , miisaaniyadan ayaana ka badan tii sanadkii hore oo aheyd 8-Milyan oo Dollar.

Munaasabaddii uu madaxweyne “Qoor Qoor” ku saxiixay miisaaniyadda waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaano ka tirsan maamulkaasi oo uu madaxweynuhu xalay casho sharaf mahadcelin ah u sameeyay.

Miisaaniyadda Galmudug waxaa horey u meel-mariyay Golaha Wasiirrada iyo mudanayaasha Baarlamanka maamulkaas, iyadoo ugu dambeynti Madaxweyne “Qoorqoor” xalay uu ku saxiixay Magaalada Dhuusamareeb., isla Xalayana waxa uu casho Sharaf u sameeyay Xildhibaanada Galmudug.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments